R/W Xamse oo goobjoog ka ahaa goobta uu xilka kula wareegayay Duqa cusub ee Muqdishoย 

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œwaxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaadaโ€

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

โ€œWaxaa naga goโ€™an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaadaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...