Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Kagame oo dib loo doortay ayaa ugu hambalyeeyey horumarka uu dalkiisa ku hoggaamiyey.