Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA)

Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.

NIRA NIRA NIRA TIMACADE

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...