Wasiirka Cusub ee Wasaradda Arimaha Gudaha oo Booqasho ku tagay Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada iyi agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Caydaruus Macalim ayaa kormeer shaqo  ku tagay     Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Wafdiga Wasiirka Waxaa xarunta hay’adda kusoo dhaweysay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka iyo howlwadeenada kale ee hay’adda.

Morwo Safiya Xasan Maxamed Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa wasiirka la wadaagtay xogta shaqooyinka la qabtay iyo kuwa loo madlan yahay ee Barakacyaasha, Soo laabtayaasha iyo Qaxootiga sida sharciga ah ku jooga dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Boggaadiyay shaqada qaran ee ay hayso Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, wuxuu intaasi raaciyay inay si weyn Maamulka Hay’adda u garab istaagayaan si dadkeena barakaca u nugul nolal loogu abuuri lahaa kuwa barakacayna loogu dhamays tiri lahaa xaquuqdooda aas aasiga ah.

 

NCRI

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...