Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay shirka arrimaha bani aadanimada Soomaaliya {SAWIRRO}

Date:

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.
Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo Xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan,waxaana daahfurkiisa Ra’isulwasaare saalax ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...