GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED CABDALLA XASAN FOODCADE

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoyska, ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool Marxuum Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcade).

Guddoomiyaha ayaa xusay in marxuumka uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed asagoo ugu soo shaqeeyay daruufo aad u adag. Waxaana uu Allah uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed na uu samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...