Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka difaaca iyo sarkaalkiil tirsan militariga Maali

Date:

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah ku soo rogayo seddex sarkaal oo ka tirsan militariga Maali, oo uu qeeyb ka yahay wasiirka difaaca dalkaasi, kuwaasi oo Mareykanka uu ku eedeeyay inay gacan saar la leeyahiin kooxda Wagner ee Mali.

Cunaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday sarakiishan ka tirsan ciidamada Mali, ayaa kala ah Korneyl Sadio Camara, oo ah wasiirka gaashaandhigga Maali, oo si la xaqiijiiyay haysta dhalashada Faransiiska, korneyl Alu Boy Diarra iyo Gaashaanle Sare Adama Baghayoko, oo dhamaantoodba ka wada tirsan ciidamada militariga Maali.

Washington waxay tilmaantay in ay jirto caddeymo muujinaya in saraakiishan ay gacan ka geysteen taageero loo fidiyay kooxda Wagner ee Mali, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay waaxda maaliyadda ee Maraykanka.

Sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Maraykanka, Cunaqabateyntan ayaa lagu xayirayaa dhamaan waxii hanti ah oo ay leeyihiin saraakiishan ka wada tirsan Ciidamada Milaraiga Maali, kuwaa oo lagu eedeeyay inay tageraan kooxda Wagner.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...