Guddoomiyaha golaha shacabka oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad

Date:

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin ah oo kooxda khawaarijtu ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa marka hore ammaan ballaaran u soo jeediyay ciidamada kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay amniga Caasimadda guulo wax ku ool ahna kasoo hoyay la dagaallanka Khawaarijta iyagoo kaashanaya shacabka.

Ku simaha madaxweynaha anha guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in saraakiisha ay ku jiraan dad dedaalayo, daacadna u ah dalkooda, aadna u sharaf badan, balse dhinaca kale ay jiraan dambiilayaal isku dhex qarinayo Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaa’imiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa laammaha ammaanka faray in si degdeg ah baaritaan xoog leh loogu sameeyo dhacdadaas, isagoo amray in dambiilayaasha fududeeyay qaraxa gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhaqsiyaha badan, caddaaladdana loo mariyo.

Sheekh Aadan Madoobe, ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in goob uu ammaankeedu aad u sugan yahay qarax lala galo waxyeellana laga geysto, isagoo ku celceliyay in la helo jawaab lagu qanci karo.

Shalay ayay ahayd markii dhagar qabe ka tirsanaa khawaarijta uu qarax is miidaamin ah ka geystay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku shahiideen xubno ka mid ahaa Ciidanka xoogga dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...