Wasiirka beeraha XFS oo faah-faahin ka bixiyay shir madaxeedka QM ee hannaanka cuntada Adduunka ee ka socda magaalada Rome

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS, Axmed Madoobe Nuunow oo qeyb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS ee magaalada Rome uga qayb galaya shirka xal u helidda cunno yarida Caalamka ayaa ka war bixiyay ajendaha guud ee kulanka.

Wasiir Nuunoow oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay Shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee hannaanka cuntada Adduunka oo ka furmay magaalada Rome Caasimadda Talyaaniga ahna xarunta hay’daha FAO, IFAD iyo WFO, ayaa waxaa ka qayb galay labaatan xubnood oo kala matalaya dowlado ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka oo ay si wada jir ah u fureen Xoghayaha guud ee QM António Guterres iyo Giorgia Meloni, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa hannaanka Cunno yarida Adduunka, heer Caalami iyo heer dowladeed iyo mid goboleed.

Ajendaha shirka ayaa sidoo kale waxa ka mid noqon doona in xal loo helo Cunno yarida xooggan ee dunida soo food saartay, in wax laga qabto waddamada saboolka ah iyo saamaynta ay ku yeesheen dagaalka ka socda Yukurayn iyo Ruushka, Is-beddelka cimillada iyo in shirkan uu jawaab ka bixiyo sidii loo heli lahaa xog ku aaddan heerka cunno yarida Adduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah loogana hadlayo Cunno yarida Adduunka ayaa wuxuu socon doonaa muddo Saddex cisho ah, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo ay ka mid yihiin in la abuuro iskaashi xooggan oo dhex mara dowladaha, kaas oo sare loo qaadayo wax soo saarka si loola  tacaalo Cunno yarida, in hay’adaha Caalamiga sida QM ay qayb lixaad leh ka qaataan sidii looga hortagi lahaa Cunno yari keeni karta macaluul, dhimasho iyo bara kac, in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo lagu daboolayo baahiyaha horumarineed ee wax soo saarka iyo in wax laga barto waddamada maareeyay Cunno yarida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...