Dadweynaha Turkiga oo u dareeray goobaha Cod bixinta

Date:

Dadweynaha Turkiga ayaa safaf dhaadheer u galay saaka saacadu marka ay ahayd 08:00 doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, Doorashadan oo ah mid aad u xiiso iyo xamaasad leh ayaa waxaa codad-kooda dhiiban doona 60 milyan 697 kun 843 codbixiye.

Xilka madaxweynaha dalkaasi ee 5 sano ee soo socota ayaa waxaa u tartamayaa 3 musharax oo kala ah madaxweynaha haatan talada haya Recep Tayyip Erdoğan, Sinan Oğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka CHP, islamarkaana ah hogaamiye aad loo hadal hayo in uu doorasho adag la galo madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan ayaa wajahayo loolan adag, iyadoo doorashadaan ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee dalkaasi ka dhici jiray marka laga eego sida ay u midaysan yihiin kooxaha mucaaradka.

Doorashadaan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu xiisaha badan caalamka ee sanadkaan 2023, natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida sida ay qabaan qubarada wax saadaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...