Wasiirka Kalluumegsiga XFS oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub  iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha lasocdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faahfaahinaya ujuurooyinka, curaarta iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqdaha kale ee Kalluumeysi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...