Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida  arrimaha SOOMAALILAND oo hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida  arrimaha SOOMAALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.

Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.

Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...