Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane dhaawac u geystay wade Mooto Bajaaj

Date:

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Zope ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 Barqanimo, Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Waaxda General Daa’uud, agagaarka laami yaraha Zobe lagu dhaawacay, Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj M9C 398, Wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu degganaa degmada Warta nabadda, waxaana gar gaar Caafimaad u fidiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...