Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka oo horjoogayaal Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan

Date:

Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo khawaarij ah.

Waxaa howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.

Howlgalkaan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...