Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha oo kormeeray isbitaalka guud ee balcad

Date:

Balcad: 28, Feberaayo, 2023 Guddoomiyaha Baarlamanka Hirsbabelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo maalmahan howla shaqo u joogo Magaalada Balcad ayaa kormeer kutagay Isbitaalka Guud ee Degmada Balcad.

Guddomiyaha Baarlamanka oo ay wehliyaan labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, maamulka Degmada, saraakiisha qeybahooda kala kuwadan oo guur galaya xaalada Degmada Balcad ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee degmada Baclad.

Maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka ayaa warbixin kasiiyey Gudoomiyaha Baarlamanka xaalada isbitaalka, baahiyaha uu isbitaalka qabo iyo adeega ay bulshada siiyaan.

Guddomiyaha Barlamanka Hirshabelle ayaa faray wasaarada Caafimaadka Hirsahbelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaaban baahiyaha isbitaalka.

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tagay dhismaha waddada laamiga oo mareeyso heer gabo gabo ah wajiga koowaad ee Muqdisho iyo balcad iyadoo mardhaw la bilaabi doono dhismaha wajiga labaad ee Balcad iyo jowhar.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle aya bogaadiyey maamulka degmada balcad sida wanaagsan ay ugu adeegayaan bulshada magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...