Masuuliyiin kala duwan oo goordhaw gaaray degmada Xarardheere

Date:

Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ayaa maanta gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wefdiga dowladda ee Xarardheere tagay waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud, xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar Cabdixakiin Macallin Axmed iyo masuuliyiin kale  waxaana ay socod ku mareen magaalooyinka Wisil, Hobyo ilaa Xarardheere iyagoo saaka kormeeray fariisimaha ciidanka iyo xarumaha bulshada ee Magaaladaas.

Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Xarardheere ku soo dhaweeyay masuuliyiinta.

La soco Wixii faah faahin ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...