Dibad baxayaal reer Moldova ah oo cod sadey inuu soo fara geliyo Ruushka

Date:

Dhanka hoose ee baarlamaanka dalka Moldova,ayaa waxaa si tartiib tartiib ah u dhaafay – oo ay bas ku soo galeen kun qo,f oo ka kala yimid dalka oo dhan, mid walbana wuxuu wataa sheeko gaar ah oo ku saabsan faqri iyo niyad jab.

“Waxaan nahay wax lagu qoslo – dowladdu way nagu majaajilootaa,” Ala oo kamid ah dibad baxyaaasha, ayaa sidaasi sheegtay.

Iyada oo xiran koofiyad dhogor buluug ah, ayay wejigeeda oo ay caro ka muuqato u soo jiidday dhinacayga, oo waxay tiri: “Waxaa jira dad leh afar ama shan carruur ah, oo aan haysan wax ay cunaan.”

Biilasha dhanka tamarta halkan haatan, ayaa waxaan ku bixinnaa in ka badan 70% dakhliga qoyska, sida uu sheegay madaxweynaha Moldova.

Ala waxay ii sheegtay inay liqeen kala bar hawlgabkeeda.

“Markii aan dooranay dowladdan, waxay ballan qaadeen inay kordhinayaan mushaaraadka iyo lacagta hawlgabka, laakiin illaa hadda ma aanaan arag wax la kordhiyey,” ayay tiri.

Mudaaharaadyada Axaddii dhacay, oo uu soo qaban qaabiyay xisbiga Moldova ee taageersan Ruushka ee la yiraahdo Sor, ayaa waxaa si dhow isha ugu haya dowladaha Yurub iyo kuwa kale.

Inta badan mudaaharaadayaashu, ayaa waxay bas ku tageen magaalada caasimadda ah ee Chisinau, iyadoo la sheegay in kharashkooda uu daboolay xisbiga Sor.

Maalmo ka hor inta uusan kulanka dhicin, ayaa madaxweyne Maia Sandu, waxay ka digtay in Ruushku uu qorsheynayo in uu dalka u soo diro kooxo sida ciidanka u tababaran oo qaswadayaal ah, oo iska dhigaya dad rayid ah si ay u ridaan dowladeedda reer galbeedka u janjeerta.

Ruushka ayaa sheegay in eedaymahan ay tahay isku day ay mas’uuliyiinta Moldovan ku doonayaan, inay dareenka ka weeciyaan, taasoo ka timid caqabadaha bulsho iyo dhaqaale ee iyaga u gaar ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...