Qaramada Midoobay oo Bayaan ka soo saaray Dhul ballaarsiga Israa’iil

Date:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan rasmi ah Isniintii shalay  ka soo saaray qorshaha Israa’iil ay ku balaadhinayso degaamada dhulka la haysto ee reer Falastiin.

Qaraarkan ayaa waxaa si weeyn u tageeray Mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka, balse Israa’iilna ayaa qaraarkan ku tilmaantay mid dhinac u janjeera.

Bayaankan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri: “Golahu waxa uu ku cel-celinayaa baaqiisii ku saabsanaa in sii wadida hawlaha degaamaynta Israa’iil ay khatar ku tahay suurtogalnimada in la helo xal waaro ee dhx maro Falastiin iyo Israa’iil”.

Bayaankan ayaa sidookale, ugu baaqaya Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada degaameeynta ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, warka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin meel marinta Qaraarkan, balse bilaha soo socda aanan degaamayn cusub laga sameeyn doonin Daanta Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...