Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan ayaa booqday magaalo xeebeedka Chioggia ee dalkan talyaaniga isaga oo la kulmay duqa magaalada, Mudane Mauro Armelao iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka mudowga Yurub marwo Rosanna Conte taas oo laga soo doorto deegaankan.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta uu la kulmay in Soomaaliya ay daneynegso in ay soo ceshato saxiibadeeda soojireenka ah islamarkaana ay diyaar u tahay in aqbasho maalgashi shisheeye si gaar ah dhinaca Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah.

Marwo Rosanna Conte oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay la kulanto wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya maadaama ay tahay xildhibaan si gaar ah uga warhaya arrimaha Kalluumeysiga ee Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa ay u sheegtay wasiirka in ay ballan qaadeyso in baarlamaanka dhexdiisa uga ololeyn doonto horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

 

Duqa magaalada Chioggia Mudane Mauro Armelao oo soo xiray kulankan ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu magaaladiisa ku martiqaado wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya maadaama magaaladu ay tahay magaalo xeebeed kalluumeysiga ku horreysa.

 

Ugu dambeyn wasiirka ayaa booqday suuqa Kalluunka iyo dekadda Kalluumeysi ee magaalada isaga oo duqa magaalada Xildhibaannada iyo duqa magaalada kala qeybgalay qado sharaf ay u sameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...