Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada X.F.S oo ka qeyb galay Shirka Isgaarsiinta Jaamacadda Carabta

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira  ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.
Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, mudane Jaamac Xasan Khaliif, inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...