Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Date:

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu u magacaabay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ergeyga cusub ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Magacaabista Julie Turner, ayaa timid ka dib markii jagadan ay bannaaneed muddo Lix sano ah, haba ugu badnatee xilligii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo wada hadallo heer sare ah la yeeshay Xukuumadda Pyongyang.

Turner, oo ah Diblamaasi ku hadla Afka Kuuriyaanka, sidokalana madax ka ahaa Xafiiska Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Bariga Aasiya iyo Baasifigga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayuu Joe Biden, u xushay inuu noqda ergeyga xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Turner, uu xafiiska Bariga Aasiya iyo Baasifigga, u adeegay in ka badan 16 sano, waxaana hadda looga fadhiyaa inuu diiradda saaro dadaallada la xiriira horumarinta xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.

Xilkan ayaa bannaanaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii markaas oo uu xilka iska casilay Robert King, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo maanta bilaabay ka doodista cutubta 2-aad ee dastuurka KMG ah

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa daahfuray shirweynaha sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta...

Soomaaliya oo ay ku soo qul-qulayaan dalxiisayaal AjaanIib ah

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa...

Ra”iisul wasaare XFS oo shirguddoomiyey shir looga hadlayo dhibaatooyinka isbeddelka Cimilada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...