Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray Xarumaha adeegyada Bulshada ee Xarardheere

Date:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, ayaa kormeer ku soo maray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta. Masuuliyiinta ayaa u kuurgashay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere oo dib ugu soo laabtay magaalada.
Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kormeer ku tageen xarumaha danta guud ee magaalada, sida xarunta maamulka degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska iyo goobihii waxbarashada, dhamaan xarumahaan kama socdaan wax adeegyo bulsho ah, maadaama dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana hadda Xarardheere ka socda dadaallo dib loogu soo celinayo adeegyada bulshada iyo waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...