Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray Xarumaha adeegyada Bulshada ee Xarardheere

Date:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, ayaa kormeer ku soo maray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta. Masuuliyiinta ayaa u kuurgashay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere oo dib ugu soo laabtay magaalada.
Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kormeer ku tageen xarumaha danta guud ee magaalada, sida xarunta maamulka degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska iyo goobihii waxbarashada, dhamaan xarumahaan kama socdaan wax adeegyo bulsho ah, maadaama dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana hadda Xarardheere ka socda dadaallo dib loogu soo celinayo adeegyada bulshada iyo waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....