Maxaa Looga hadlayaa Shirweynaha Culimada ee Ka Furmay Muqdisho?

Date:

Muqdisho waxaa tis toos ah oga Furmay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo isaga kala Yimid dalka iyo dibadda.

Sheekh Cabdiqani Qorane oo ka mid culimada soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirkan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa is dul taagay ahmiyadda uu leeyahay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmay Maanta.

 

Sheekh Cabdiqani Qorane Ayaa sheegay in shirweynahaas ahmidyad gaar ah lagu siin doono dagaalka dowlada iyo shacabka soomaaliyeed kula jiraan khawaarijhjta iyo doorka culimadu ka qaadan karaan maadaama khawaarijtu ka been abuuranayaan deenteena Suuban.

Sheekh Cabdiqani Qorane ayaa sidoo kole xusay in shirweynahaan looga hadli doono Diinta iyo Dowladnimada, iyo xiriirka ka dhaxeeye, “Diinta yaa ka masuul ah”?

Sheekh Cabdiqani Qorane “Shirweynaha waxaa ku dhisanaynaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Matalaysa Qeybaha kala duwan ee culimada oo Dastuuri ah, marjiciyadda Diiniga, Fataawaadka iyo Nawaasisha loogu soo laabto” Ayuu yiri Sheekh Cabdiqani Qorane.

 

Sidoo kole Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diintaa ayaa sheegay In Muqdisho aay isugu keeneen  ku dhawaad 300 oo Ergo, iyadoo Ujeedku yahay in Go’aamo waaweyn ay ka soo baxaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...