Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare oo la kulmay Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran

Date:

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare, oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa xafiskooda ku qaabilay xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran.

Kulanka oo ku saabsanaa is barasho iyo kala war qaadsaho, ayaa sido kale xubnaha guddiga wax laga waydiiyay, shuruucda dhaqangalka ah ee guddigu ku shaqeeyo, qaab dhismeedka guddiga, wax yaabihii u qabsoomay intii uu jiray, caqabadaha haysta iyo xiriirka kala dhexeeya Wasaaraddda arrimaha gudaha XFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyaha guddigga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran Ismaaciil Macalin Muuse iyo xubnihi la socday oo ka jawaabay su’aalahaas la waydiiyay ayaa sidoo kale soo bandhigay caqabado badan oo ku hor gudban shaqadooda oo ay tahay in guddigu wax kala qabtaan iyaga oo kaashanaya Golaha guud ee Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...