Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare oo la kulmay Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran

Date:

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare, oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa xafiskooda ku qaabilay xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran.

Kulanka oo ku saabsanaa is barasho iyo kala war qaadsaho, ayaa sido kale xubnaha guddiga wax laga waydiiyay, shuruucda dhaqangalka ah ee guddigu ku shaqeeyo, qaab dhismeedka guddiga, wax yaabihii u qabsoomay intii uu jiray, caqabadaha haysta iyo xiriirka kala dhexeeya Wasaaraddda arrimaha gudaha XFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyaha guddigga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran Ismaaciil Macalin Muuse iyo xubnihi la socday oo ka jawaabay su’aalahaas la waydiiyay ayaa sidoo kale soo bandhigay caqabado badan oo ku hor gudban shaqadooda oo ay tahay in guddigu wax kala qabtaan iyaga oo kaashanaya Golaha guud ee Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...