Madaxweynaha Qaranka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Garaad Saleemaan Garaad Mohamed.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane...

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta...

Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad

Dab qasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa ka...

Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay danjiraha UK

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige...