Sarkaal ka tirsan sirdoonka Israa’iil oo lagu dilay magaalada Quddus

Date:

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari boolis ah oo dumar ah ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaaseyn ka dhacday bar koontarool oo ku taal bariga magaalada Qudus oo ay Israa’iil haysato.

 

Waxaa sidoo kale jira askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo isna dhaawac soo gaaray oo xaaladiisa ay aad u liidato.

 

Booliska Israel ayaa sheegay in nin looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa rasaasta la is weydaarsaday la xiray.

 

Sidoo kale, waxaa jira ciidamo nabad-sugid ah iyo diyaarado helicopter ah oo boolisku diyaariyeen si ay saddex qof oo kale uga baadi goobaan goobta.

 

Waxaa maalmahan sii kordhaya xiisadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israa’iil ee ka taagan Daanta Galbeed iyo webiga Urdun ee ay Israa’iil haysato.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...