Munaasabad  kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka  oo lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa

Date:

Munaasabad  kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka  Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa dhammaan feylasha ay ku keydsanyihiin Xogta Golaha Shacabka iyo dhamaan howlaha Xafiiska, ayaa ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabiri, isagoona sheegay in uu ku faraxsanyahay islamarkaana uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Shaqsiga xafiiska kala wareegay, waxaana uu  kula dardaarmay in uu dardargeliyo Shaqada in uu shaqada meesha ka sii amba-qaado.

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ee Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay mudadii uu Xafiiska joogay, isagoo balanqaaday in uu halkeeda kasii wadi doono.

Habdhawraha Golaha Shacabka Mudane Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo gaba gabada munaasabada soo xiray  ayaa sheegay in Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku amaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu Goluhu kasoo qabtay,waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee maanta xilka la wareegay in uu shaqadiisa noqato mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...