Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda dalka Uganda kala hadlaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kujooga dalka Uganda ayaa waxaa la filayaa in uu wada-hadallo la yeesho Madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Yoweri Museveni.

 

Kulamada ayaa waxaa ay ku qotomaan xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga saarayo AlShabaab, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

 

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aad u farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...