Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la xiray barihii internet-ka ee argagixsida ay ku baahin jireen fariimahooda

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shirkadaha bixiya adeegga Internetka ku amartay in la xiro dhammaan baraha bulshada oo ay Al-Shabaab wax ku baahiyaan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo loo diray Shirkadaha bixiya adeegga Internetka ayaa lagu amray inay joojiyaan in Internet-kooda aga galo ilaa 10 Barood oo wararka ay ku baahiyaan Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee lagu baahi jiray fariimaha Al-Shabaab.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa Al-Shabaab ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyey Gmail uu dowladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Al-Shabaab ku dhuumanayso in uu nala wadaago,

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...