Wasiir Fiqi” Waxaan uga digayaa maleeshiyada Al-shabaab in aysan carqaladeyn arrimaha gargaarka”

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta Qaranka ayaa maleeshiyada Al-shabaab uga digay in aysan carqaldeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan argagixisada.

 

“ Waxaana rabbaa inaan uga digo in aysan carqaladeyn deeqaha  ku socda deegaanada gacantooda ku imtixaanan, in ay ka wareegaan deeqdaas oo la gaarsiinayo dadka u baahan”, ayuu yiri wasiir Ahmed Macalin Fiqi.

 

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo barakaca dalka ka jira ay sabab u yihiin nabad-diidka Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii gargaar banii-aadnimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee la daala dhacaya abaaraha iyo colaada ee ay qeyb ka yihiin kooxaha argagixisada.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...