Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay Gobolka Awdal

Date:

Muqdisho-24-7-2022-:Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Deegaanka Dila ee Gobolka Awdal ee Maamulka Soomaliland.

Inta la xaqiijiyey Shilkaan waxaa ku geeriyooday Laba Ruux halka Dhaawaca uu gaarayo in kudhaw 10 qof.

 

Labada marxuum ee geeriyootay   oo midkood la garan-waayey  iyo dadka ku dhawacmay shilkaan ayaa la gaarsiiyey xalay dhaawacooda cisbitalka guud ee magaalada Boorama.

 

Gaadiidkan isku dhacay ayaa kala ahaa Gaari nuuca soomalida u taqaan ????’????ha iyo gaari nuuca dadweynaha qaada ah oo nuuciisa ahaa Bas.

Ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada loo yaqaano iyo dadweyne farabadan ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii shilka ku waxyeeloobay, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

 

Shilalka Gaari ayaa aad ugu badan jidadka kuyaalla degaannada Somaliland, waxaana darawalada qaarkood ay sheegeen inay ugu wacan tahay waddooyinka qaarkood oo aad u burbursan wallow Xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay waxka qaban doonto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...