[SAWIRO]Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan miyiga degmada Bandar-Bayla.

Date:

MUQDISHO-24-7-2022-:Miyiga degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari iyo deegaanaada hoos yimaada waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ka jirta ay isu bedeli rabto macaluul, ka dib markii ay tiro badan oo dad ah ay ka le’edeen dhamaan xoolihii ay haysteen, kuwaas oo horseeday in ay u barakacaan oo ku xeroodaan tuulooyinka.

Tiro qoysas ah oo soo barakacay ayaa warbaahinta u sheegay in biyo la’aanta iyo dhulka ay deganayeen oo cidlo ah ay naftooda uga cabsadeen in ay gaajo iyo haraad u dhinteen, maadaama xoolihi dabar go’een, sidaas daraadeedna ay tuulooyinka ku soo xaroodeen si ay naftooda u badbaadiyaan.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ay ka welwel qabaan dad miyiga fog uga yimaadeen kuwaas oo aan awoodin in ay soo guuraan, oo magaalooyinka usoo dhawaadaan.

Gudoomiyaha degmada Bandar-Bayla Cabdirashiid Daacad iyo wafti uu hogaaminayo oo ka jawaabaya cabashada bulshada ayaa kormeer shaqo iyo u kuur-galid xaalada abaaraha iyo saamayntooda ku taggay Deegaanda kala ah Qoton, Sarmaan, Maygaag, Dharin-Baar iyo Bixin iyo miyiga hoos yimaada oo abaartu si adag u saamaysay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...