Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Date:

Muqdisho,05,7,2022:Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo  shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa Dalkeena uga qeybgalayo wafdi uu horkacaayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed isaga oo halkaas  ku matalaya Madaxweynaha Qaranka Hassan sheikh Maxamuud oo safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga.

shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha,xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.

 

Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

 

Hogaamiyaasha IGAD ayaa sanad walba waxa ay ka shiraan xaaladaha iyo dhibaatooynka ka jira wadamada ku mideysan Ururkaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...