[DAAWO]Ciidanka Gaarka ah ee NISA oo howlgallo ka sameeyay qeybo katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho

Date:

MUQDISHO-5-7-2022-:Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.
Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.
Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...