Wasaaradda arimaha gudaha galmudug oo ka daahfurtay Gaalkacyo kulan ku saabsan wacyigalinta qorshaha horumarinta degmadaas shanta sano ee soo socata

Date:

Muqdisho,3,7,2022:-Kulan kaan wacyigalinta qorshaha horumarinta Degmada Gaalkacyo ee Shanta sano ee soo socata oo ay taaba galintiisa iska kaashanayaan wasaarada arimaha gudaha galmudug iyo hay’adda unicef ayaa maanta Magaalada gaalkacyo uga furmay xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kulankaan oo socon doona muddo 20 maalmood ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay maanta Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Galmudug cumar cabdi maxamed Guure iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socatay Hay’adda Unicef.

 

Duqa dagmada Galkacyo cabdiraxmaan sheikh Hassan Jimcaale ayaa ugu horeyn ka hadlay ahmiyada kulankaan uu uleeyahay horumarinta dagmada haddii laga faa’iideysto.

 

 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arimaha gudaha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa isna sharaxaad ka bixiyay ajandaha looga hadli doono ama lagu baran doono mudada uu socdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...