Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada

Date:

MUQDISHO JUUN 27,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...