Agaasimaha guud ee Waasarada Gargaarka KGS ‘’ Waxaan wadnaa qorashayaal Aan gurmad ku gaarsiineyno Degmooyinka Go’adoonka ee Koonfurgalbeed.

Date:

Wasaarada gargaarka iyo maareeynta masiiboyinka KGS Sooomaaliya ayaa wadda qoryaashaal gargaar gurmad ah lagu gaarsiinayo degmooyinka Burhakaba, Wallaweyn,Qoryooley, Marka, Afgooye, iyo degmooyinka ka tirsan gobalka bakool.

Agaasimaha guud ee wasaarada gargaarka Iyo maareeynta masiibooyinka Dowlad gobaleedka KG Diini Xaaji Abdinur oo Wareysi gaar ah siyey Radio muqdisho ayaa sheegey in iyadoo la dardargelinayo gurmadka dadka abaarahu ay sameeyaan ayaa waxaan raashin gurmad ah gaarsiiney degmooyinka go’adoonka ah, Xudur, waajid, Diinsoor, Qansax dheere, baydhabo waxaan raashiinkaas inoogu deeqey dowladda Sucuudiga hay’addeeda u qaabilsan dhinaca gargaarka.

Diini Xaaji abdinuur agaasimaha gargarka KG ayaa ugu dameyn u mahadceliyay hay’addaha iyo dhamaan dadka muxsiniinta ah e ka qeyb qaadanaya u gurmasha dadka abaaraha sameeyn isagoona ku baaqey in ay laba jibaaraan dadaalkooda, si gaar ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaalbilsan arrimaha gargaarka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Uga Codsadey in meelaha ugu horeeya ee gurmadka uu ka sameynayo ay qeyb ka noqto dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaalia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan...

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....