Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

Date:

Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islamarkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaaladda Ukraine.

“Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda ugu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhexdhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabatayn ah oo aan ku biirno EU ama cunaqabatayn caalami ah.”

Dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansaday in ay cunaqabateyn kusoo roggaan dalka Ruushka ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...