DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo wax ka qabashada dilal ka dhacay galkacyo oo xalay lagu qabtay Magalaada galkacyo..

Date:

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cali Muuse Maxamuud oo Ay wehliyeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo oo xalay  Shir Jaraa’id ku Qabtay Saldhigga Degmada Gaalkacyo ayaa Faahfaahin ka bixiyay Fal Sababay Dhimashada Labo ruux oo shacab ah iyo Dhaawaca Hal kale oo ka dhacay Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Ayaa Cambaareeyey Falkaas Foosha xun isagoo uTacsiyadeeyey ehalada Marxuumiinta Dhintay, wuxuuna Sheegey inay Gacanta ku hayaan Badi Dadkii falkaasi ku lugta lahaa, isla markaana ay ku dabajiraan inta dhiman.

Taliyaha Ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga la shaqeeyaan, wuxuuna intaas raaciyay inay gacan bira ku qaban doonaan amniga guud ee Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.

Abdirisaaq maxamed ahmed Wariyaha warbahinta qaranka ayaa faah-faahin ka  bixinaya warkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...