Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Qorshaynaysa Daahfurka Wajiga 3aad ee Talaalka COVID-19

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa Hay’adda IRC ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabatay Madal Dood ah oo looga hadlayay Daah-furka wajiga Sedexaad ee qaadashada  Talaalka COVID-19 si looga hortago qatarta uu kula soo laaban karo Bulshada Soomaaliyeed kaasoo Saameyn taban ku yeeshay Dalka.

Si looga hortago dhibaatada ka imaan karta Cudurkan ayaa ka qeyb galayaasha kulanka loogu iftiimiyay qaabka ay u qaadan karaan Talaalkan oo horey loo bixiyay wajigiisa koowaad iyo Labaad.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhusamareeb Cabdi Xaashi Caroole, Ururada dhalinyarada iyo Marti sharaf kale.

Qaar kamid ah Dadka ka qeybgalay Madasha ayaa Su’aalo ku saabsan isticmaalka talaalka ubandhigay Qubaro Caafimaad oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ka hadlay kulanka ayaa Bulshada u sheegay in ay qaataan Talaalka si looga hortago halista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud ayaa sheegay in mar kasta oo la qaato Talaalka uusan wax dhib ah ku yeelan doonin Cidkasta oo qaadata dhawaana uu bilaaban doono wajiga Sedexaad ee talaalka COVID19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...