Erdogan oo fariin la xariirta qaxootiga Afghanistan u diray dalalka Yurub

Date:

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan ayaa dalalka reer Yurub u soo jeediyey inay qaadaan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya dalka Afghanistan, isagoo sheegay in Turkigu uusan aheyn dal u taagan kaydinta muhaajiriinta magan-geliyada ka doonaya dalalka reer Yurub.

Dalka Afghanistan waxaa haatan ka taagan qalaalaase xoog leh kadib markii Axadii todobaadkan ay caasimadda kabul gudaha u gashay kooxda Taliban. Kumanaan qof ayaana u tallaabay dhanka dalka Turkiga todobaadkaaan.

Madaxweyne Erdogan oo hadal ka jeediyey shir uu la lahaa golihiisa wasiirrada ayuu ka sheegay in wadamada reer Yurub looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran – oo ah marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay inay dhici karto in Turkigu uu wadahadal la yeesho dowladda cusub ee ay soo dhisi doonto Taliban, si ay uga wada xaajoodaan wuxuu ugu yeeray ajendeyaashayada guud ee labada wadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...