Senator C/Xakiin Macalin Axmed oo 3-kun ugu deeqay dayac-tirka garoonka kubadda cagta Dhuusamareeb

Date:

Garoonka kubadda cabta ee magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu bilaabay dayac-tir, waxaana arrintaas u istaagay dhalinyarada xiriirka cayaaraha ee caasimadda Galmudug, iyadoo wajiga koowaad ee dhismahaas uu maanta lacagtii ugu horeysay ugu Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doorto Dhuusamareeb.

Senator Cabdixakiin ayaa gudigga dhismaha garoonka, lacag dhan 3,000 (seddax kun oo dollar), taas oo horay uu ugu balan qaaday dhalinyaro is-xlqaantay oo dhisme ku bilaabay garoonka kubadda cagta ee magaalada Dhuusamareeb.

Gudigga dhismaha garoonka oo ka duulaya qiimeyn ay ku sameeyeen adeegyada ka dhiman garoonka ayaa Senatorka uga mahad celiyay tilaabadan wanaagsan ee uu qaaday, taasi oo hormuud u noqon doonta dhaqaajinta qorshaha qabyo tirka garoonka cayaaraha ee magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Nuur Maxamed oo ah gudoomiyaha Gudigga Cayaaraha Dhuusamareeb iyo gudoomiye kuxigeenka Gudigga Ugaas Gacmo-gaab ayaa mahad celin balaaran u jeediyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin, iyagoo  ka dalbaday xubnaha kale ee deegaanka laga soo doorto in ay kaalin tan lamid ah ka qaataan shaqada ka socota garoonka cayaaraha magaalada Dhuusamareeb.

Garoonka Cayaaraha Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa loo diyaarinayaa marti-galinta cayaaraha degmooyinka Galmudug oo markii labaad ku loolami doona.

Cayaartoy laga soo kala xulay degmooyinka Galmudug ayaa ku loolami doona garoonkaas, kuwaas oo laga soo dhex-xuli doono cayaartoyda Galmudug ku meteli doonta cayaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xiriirka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...