Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland oo kusoo wajahan Muqdisho

Date:

Maalinta berri oo Sabti ah oo ay ku beegantahay 21-bisha ayaa waxaa la filayaa in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirka furmo, balse uu dib u dhacay, waxaana Magalada Muqdisho ku sugan, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiye Cumar Filish.

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa inay magaalada muqdisho ay soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo shirka qeyb ka ah.

Shirka Golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga Doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta Dhaqaalaha ka dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle...

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...