Safiirka Talyaaniga u joogay DRC oo la dilay.

Date:

Safiirkii Talyaaniga u joogay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo ayaa lagu dilay bariga dalkaasi sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Dilka ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ay leedahay oo marayay magaalada Kanyamahoro.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay bariga dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Koongo, taas oo loo soo gaabiyo DRC.

Sida laga soo xigta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Danjire Luca Attanasio, ayaa markii hore dowladda Talyaaniga u qaabilsanaa madaxa howlgallada Kinshasa tan iyo 2017 balse snaadkii 2019 ayaa laga dhigay safiirka Talyaaniga u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...