Wafdi ka socda Galmudug oo kormeeray dekadda magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekadda Degmada Hobyo, halkaasi oo ay ku soo xiratay Dooni Ganacsi muddo bil gudiheed ah, iyagoo kormeer indha indhayn ah ku sameeyey dhismaha dekadda Hobyo iyo qaabka wax uga dagayaan halkaasi.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, mas’uuliyiin kale iyo maamulka Degmada Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Habyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Hobyo ayaa ku soo dhaweeyey dekadda wafdiga ka socday Galmudug, iyagoo warbixin ka siiyay howlaha ka socda dekadda magaalada Hobyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cismaan iyo Wasiiru dowlaha Wasiiradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay ganacsatada u samaynayso canshuur dhaaf, si loogu dhiiri geliyo in degaankooda maalgashtaan.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda howlo ganacsi oo maalinba maalinka ka dambeeya sii xoogaysanaysa, isla markaana ay ganacsatada Galmudug ku sii dhiiranayaan maalgashiga deegaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...