Bulshada Xudur oo kacabanaysa ciriiriga ka jira helidda biyaha xareedda War-caday+(SAWIRRO).

Date:

Mootooyin iyo gaaridareemo ayaa saf ugu jira in biyo xareed ah ay ka dhaamiyaan War-caday oo ah isha keliya ee bulshada magaalada Xudur biyaha xareedda ay ka helaan.

Warta waxa biyaha banaanka uga soo saara nidaamka soolarka cadceedda ku shaqeeya iyo qalab kale ee loogu talagalay oo saacado kooban shaqeeya, mana dabooli karo baahiyaha looqabo biyaha xareedda, waana hal tubo oo ciriiri ah oo safaf dhaadheer loogu jiro sidii biyaha looga dhaansan lahaa.

Waa abaare tobanka barqanimo dadka iyo duuyada goobta taagan waxay saf dheer soo galeen lixdii aroornimo sida ay sheegeen ilaa hadana lama siideynin, sababtuna waxay tahay waxa la sugayaa inta cadceeda ka kululaanayso oo soolarada biyaha ugu shubayaan haanta.

Xuseen Xasan iyo Cabdulaahi Warsame Cali oo ah shaqaalaha gacanta ku haya maamulka  warta weyn ee War-cadey ayaa waxa ay ii cadeeyeen in ciriiri badan uu ka jiro, waxayna sabab uga dhigeen in dadka sida joogtada ah u dhaansada ay barkado ku kedsanayaan, wartana ay u baahan tahay in loo helo matoor weyn oo biyaha haanta qeybteeda sare gaarsiin kara.

Magaada Xudur waxay leedahay ceelal farabadan oo isugu jira ceel gacmeedyo iyo ceel matoor haseyeshee biyaha ceelashaan macaan ma ahan ee dhanaanka ayaa ku badan, sidaa darteed biyaha macaan ee ku jira War-caday waxa loo isticmaalaa cabdidad, cunto karinta iyo dhaqidda dharka, waxaana gudaheeda la dhigay baca biyaha keydiya, wasakhdana ka ilaalisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...