Baarlamaanka Yurub oo ansaxiyay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Yaman ku sugan.

Date:

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa si weyn ugu codeeyay qaraar qabyo ah oo ku baaqayo in dalka Yaman laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye si loo fududeeyo wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalkaas, xilli ergayga Mareykanka ee Yaman uu kala hadlay madaxweynaha dalkaasi in heshiis siyaasadeed laga gaaro dhibaatada wadankaasi ka taagan.

Go’aankan uu gaaray Baarlamaanka reer Yurub ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xalliyo dhibka ka socda dalkaasi tan iyo sanadkii 2015, dagaaladaasi oo sababay dhibaato bini’aadanimo tii ugu xumeed.

Qaraarkan ayaa xoojinaya dadaalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaman Martin Griffiths si loo riixo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  ayaa golaha Amaanka ugu baaqay in ay qaataan tallaabo adag si qaswadayaasha Yaman loogu gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in la balaariyo liiska dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka ee Yaman ayaa sheegtay in Madaxweyne Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi uu ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, hoyga uu ka degan yahay magaalada Riyaad, si ay uga wada hadlaan dadaallada loogu jiro nabadeynta dalka.

Wakaaladda oo soo xiganeysa illo ku dhaw Madaxweynaha Yaman sheegtay in uu madaxweyne Haadi, ku raacay ergayga Mareykanka, dadaalada uu ku doonaayo amniga iyo xasilloonida Yemen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...