Guddoomiye Cumar Filish”Waxaan rajeyneynaa in aan la Waayo qof ku nool Gobolkan oo aan wax qorin waxna Akhrin”+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Barnaamijka kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir,xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,Ururka Haweenka Gobolka iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Odayaasha iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ka dhageystay Su’aalo ay weydiiyeen iyo talooyin  ku aaddanaa horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Cali Maxamed Cabdulle oo ka hadlay kulanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday in wax laga qabto baahiyaha ay soo bandhigeen Bulshada Degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed Jakeetti ayaa sheegtay in Waxbarashada wax badan ay ka beddeleen haddana ay xooji doonaan dadaalkooda ku aaddan goobaha loogu adeego Bulshada oo MCH-yadu ay kamid-ka yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka jawaabayay su’aalihii ay waydiiyeen bulshada Shibis oo ay ka mid ahaayeen tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la waayo mustaqbalka qof ku nool caasimadda oo aan wax qorin waxna akhrin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...