Guddoomiye Cumar Filish”Waxaan rajeyneynaa in aan la Waayo qof ku nool Gobolkan oo aan wax qorin waxna Akhrin”+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Barnaamijka kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir,xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,Ururka Haweenka Gobolka iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Odayaasha iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ka dhageystay Su’aalo ay weydiiyeen iyo talooyin  ku aaddanaa horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Cali Maxamed Cabdulle oo ka hadlay kulanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday in wax laga qabto baahiyaha ay soo bandhigeen Bulshada Degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed Jakeetti ayaa sheegtay in Waxbarashada wax badan ay ka beddeleen haddana ay xooji doonaan dadaalkooda ku aaddan goobaha loogu adeego Bulshada oo MCH-yadu ay kamid-ka yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka jawaabayay su’aalihii ay waydiiyeen bulshada Shibis oo ay ka mid ahaayeen tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la waayo mustaqbalka qof ku nool caasimadda oo aan wax qorin waxna akhrin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...