Boosniya: Askar ka tirsanaa Ciidamada Serbia oo lagu Xukumay Dambiyo Dagaal.

Date:

laba askari oo horay uga tirsanaa ciidamadii Serbiya ayaa shalay lagu xukumay min sided sano oo xarig ah ,ka dib markii lagu soo eedeeyay in ay dambiyo dagaal ay ka geysteen magaalada bariga Foca sanadkii 1992,halkaas oo lagu xasuuqay dad muslimiin ah oo u dhashay Bosniya.

Maxkamad ku taal Bosnia iyo Herzegovina ayaa xukuntay in Radovan Paprica iyo Slavko Ognjenovic, oo ka mid ahaa  ciidamadii Seerbiya intii lagu guda jiray dagaalkii Bosnia ee sanadihii 1992-1995, ay fuliyeen dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Bayaanka maxkamada ayaa lagu sheegay in Paprica iyo Ognjenovic ay kaqeyb qaateen weeraro qorshaysan oo lagu qaaday dadka rayidka ah ee Bosniya, isla markaana ay galeen dambiyo xadgudub ah sida galmo iyo xasuuq.

Ku dhowaad 3-kun oo rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Foca iyo agagaarkeeda,iyadoo sidoo kale la gubay  guryo iyo masaajidyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...