FAO oo digtay ayax hor leh oo soomaaliya ku wajahan gaar ahaan gobalada koonfurta iyo bartamaha.

Date:

Heyada qaramada midoobe cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha soomaaliya oo horay ayaxu saameyn lixaad leh ugu hayay.

Dhasha ayaxa ee koronkorada ayaa laga bilaabo isbuucan is uruursan doonta waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021 sida FAO ay tilmaantay.

Laga bilaabo bartamaha December ayax dhalaan ah oo xoog badan kaas oo ka yimi dhanka koonfur bari itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ku dago gobolada koonfurta soomaaliya .

Qeybo ka mid ah gobalada waqooyi bari soomaaliya waxaa iminka ku sugan ayaxa waaweyn oo bilaabay in uu ugxaan dhigo taas oo saameyn kale yeelan karta.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ugu daran soomaaliya ee uu ayaxu aafeeyay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...